Xilli habeen ka hor ah magaalada muqdisho waxaa lagu dilay mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana arintaasi qalqal iyo cabsi ay ku abuurtay odayaasha dhaqanka
Suldaan ceyndaruus suldaan saalax oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee
soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka oo lahadlay idaacada risaala ayaa waxa uu
sheegay in xiligaan ay soofooodsaartay qal iyo cabsi
Asigoona sheegay in uu san garaneenin sababta loo bartilmaameysanaayo odayaasha
dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka
Laba habeen ka hor ayey aheyd markii kooxo bistoolada ku hubeysan
dagmada wadajir ay ku dileen mid kamid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka
soomaaliya.
Waxaana arintaasi ay cabsi ku abuurtay odayaashii dhaqanka ee iyana
qeybta ka ahaa xulista Baarlamaanka cusub ee soomaaliya iyo xal u raadinta daka.