Xaalada deegaanka Booroow ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dagan kadib markii uu halkaasi dgaal xoogan ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM ay weerareen deegaanka Booroow oo ku dhaw Degmada Jowhar ayna ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelah Dhexe oo aan la xiriirnay ayaan inoo suuragelin inaan qadka tilifoonka kula hadalno si aan wax uga weydiino dagaalka.
Dadka Jowhar ku sugan ayaa soo sheegayaa inay dareemayaan cabsi ku aadan in dagaal uu ka dhaco gudaha Magaalada waxaana sida wararku sheegayaan Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka wadaan Magaalada Jowhar.
Ciidamada huwanta ah ayaa doonaya inay qabsadaan gacan ku haynta Magaalada Jowhar oo ay iminka maamulaan Al-Shabaab.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com