Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafada Muqdisho Garoonka kula hadlay ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in madaxda dalka Kenya uu uga tacsiyadeynayo shacabkii halkaasi kaga dhinteen isaga oo kuwa dhaawaca ahna urajeeyay inuu Alle caafiyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dalka Kenya qaraxyada looga geysanayo ay tahay taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay arin aad ufool xun.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo qaraxaasi ku dhaawacmay ayuu urajeeyay inuu Alle caafimaad siiyo isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya iyo shacabka Soomaliyed inay iska kaashadaan sugidda ammaanka.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa dalka Turkiga isaga oo sheegay in Turkiga madaxdooda ay soo kala sixiixdeen heshiisyo caalami ah oo ku saabsan horumarada dalka Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com