Arsenal ayaa Xiisaynaysa Wiilka Madow ee Mohamed Diame una ciyaara kooxda West Ham bisha January ee nagu soo foodleh sida aynu ka soo xiganay Goal.com .
Tababaraha Arsenal Wenger ayaa diyaar u ah inuu qasnadiisa u jibinayo Daafaca dhexe ama Qadka dhexe ee Mohamed Diame oo kamid ah raga ugu fiican ee Premier league ka ciyaara.
Macalinka Kursi kama degaanka ah ayaa waxaa uu ka tashanaya Abou
Diaby oo dhaawacyo ay hareeyeen sanadahan dambe ayna iska yartahay inta
uu ciyaaray.
Wiilka Senegal ayaa la sheegay in January uu Miiska saaran yahay
waxaana Ilaha wararka ee la helayo ay ku waramayaan In Arsenal Mohamed Diame ay ku doonayso €5 million.
Arsenal ayaa sanadkan qarash garanaysa lacago fara badan waxaana raga
ay doonayso ay isugu jiraan Goolhaye oo ah Reina,booska labaad waa
Ciyaaryahan Weerar dhexe ah waxaana kamid ah ,Mohamed Diame ,Adrian Lopez iyo Wilfried Zaha.
Arsenal ayaa sidoo kale la ogaaday inay heshiis la gaartay Thierry Henry kaas oo garoonka Emirates Stadium ugu laabanaya Si Amaah ah January.