Saturday December 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Halyaygii hore ee Barcelona Ronaldinho ayaa si aan cabsi lahayn waxaa uu u sheegay in Messi uu ka wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo laakiin buu yiri labadoodaba ma gaaraan Neymar oo ay isku dal kasoo jeedaan.

Laacibkii hore ee aduunyada gilgilay hadana u ciyaara kooxda Atletico MineiroRonaldinho ayaa dhankiisa ka soo galay hadalka ah Messi iyo Ronaldo yaa wanaagsan,waxaana uu fikirkiisa noqday in Messi uu ku leeyahay hasa ahaatee Midkoodna ma gaaro ayuu yiri Neymar.

32 jirkan Brazil ayaa daboolka ka qaaday cida ah waqti xaadirka ninka ugu wanaagsan dunida.

“Cristiano taariiq ayuu soo dhigay sanado badan , laakiin Messi ayaa ugu wanaagsan Aduunyada, hal Maalin waxaa dhici doonta Neymar inuu noqon doono Xidig ugu wanaagsan,” Ronaldinho ayaa u sheegayESPN.

“Aniga ahaan Messi ayaa ugu wanaagsanaa dunida sanadihii u dambeeyay,Mana aanan arkin shaqsi isaga lamid ah.

“waxaan ku faanayaa inaan ka hadlo Arimaha Messi , maxaaa yeelay halkaas ayaan joogay goortii uu kubada bilaabayay,hada waa qofka ugu wanaagsan aduunka,tanina waa ay I farax gelinaysaa.

“Ciyaartii aan ku xasuusto isaga waxaa ay ahayd markii uu dhalinayay goolkiisii ugu horeeyay, markaasna goolka uu dhaliyay aniga ayaa baaskeeda lahaa ayuu yiri Ronaldinho.

Ugu dambayn laacibkii hore ee Barcelona Ronaldinho ayaa sheegay In Messi uu fursad siiyay xiligii uu Barcelona kala waday,kuna faraxsanyahay in Messi goolkiisii ugu horeeyay uu isaga u baaso.

Messi wadnaha ayuu marwalba iga yaalaa Marwalba ayuu yiri Ronaldinho.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA