Saturday December 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xilli dhawaan ciidamada Dowladda Soomaaliya Degmada Kaxda ay ku dileen qof haweenay ah ayaa qaar kamid ah waxgaradka Degmadaasi waxa ay sheegeen in caruurta ay ka dhimatay haweenaydaasi xaalad adag oo dhanka nolosha ah soo foodsaartay.


Maxamed Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka ku nool Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa usheegay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho in caruurtaasi iminka xaalada adag kujiraan.

Hooyada dhashay caruurtaani ee ay dileen ciidamada Dowladda Soomaaliya ayuu ku sheegay magaceeda Ruqiyo,caruurta ay dhashayna ay gaarayaan ilaa saddex caruur ah oo isugu jira hablo iyo wiilal.

Aabaha dhalay caruurtaasi ayuu sheegay inuu yahay macalin dugsi qur’aan islamarkaana uusan ka warqabin caruurta intabadana ay heyn jirta hooyadood.

Madaxda dalka Soomaaliya ayuu ka codsaday inay gacanta kusoo dhigaan askarigii ka dambeeyay falkaasi dilka ah ee loo geestay hooyo Ruqiyo oo kamid aheyd dadka deegaanka.

Labo habeen kahor ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dhac ka geesanaye Degmada kaxda ay toogteen haweenay kamid aheyd dadka deegaanka.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA