Saturday December 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi Xildhibaano ah kuwaasi oo halkaasi u tagay ukuurgelida xaaladda Gobalkaasi.


Xildhibaanadaan oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo socdaalkooda ku tagay xarunta Gobalka Hiiraan ee Beladweyne.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya

Xildhibaanada ayaa waxa ay la socdeen diyaarad shacab ah oo markii ugu horeysay maanta ka dagatay Magaalada Beladweyne tan iyo sanado kadib.

Tirada Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa afar Xildhibaan kuwaasi oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay ee Magaalada Beladweyne ay ka dagato diyaarad shacab ah sanadooyin kadib.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA