Maamulka Puntland ayaa ka hadlay weeraro madaafiic oo maamulka Galmudug ay ku garaaceen dhanka Maamulka Puntland Magaalada Gaalkacyo ee Gobalkaasi Mudug.
Maxamed Yuusuf Jaamac Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Puntland oo qabtay Shirjaraa’id ayaa wuxuu sheegay in falalka ciidamada Galmudug ay sameeyeen ay tahay arin aan loo dulqaadan karin.
Wuxuu sheegay in hadii aysan Galmudug arintaasi jawaab cad ka bixin ay noqon doonto dhibaato ka dhalata maamulada Puntland iyo Galmudug.
“Wax loo dulqaadan karo ma’ahan in hoobiyeyaal shaacba dushooda laga tuuro arintaasi ma’ahan wax sahlan”Ayuu yiri Maxamed Yuusuf Jaamac
Shalay ayeey aheyd markii hoobiyeyaal laga tuuray dhanka maamulka Galmudug ay ku dhaceen dhanka waqooyiga oo ay maamulaan Maamulka Puntland.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com