Saturday December 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Gole qaabilsan qaxootiga islamarkaana ka dhisan dalka Netharland ayaa sheegay in dowlada wadanka Itoobiya ay ka caawin doonaan Sidii ay dib u dejin ay ugu sameyn lahayd dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee haatan ay hooy la'aan ku haaysato dalka Itoobiya gaar ahaan Xerada Dolow-Ade oo imin ka ay ku nool yihiin qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed.
Golaha qaxootiga qaabilsan ee ka jira dallka Netharlan ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku caawinayaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya,waxa ayna sidoo kale sheegeen in deeqda ay ugu tala galeen qaxootiga Soomaaliyeed ay u marsiin doonaan xafiiska Midowga Yurub dhanka Bini-adanimada ee Loo soo gaabiyo (ECHO).kaasi oo markaasi gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed dhibaateysan ee ku dhaqan dalka Itoobiya.

Malaayiin ka tirsan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Itoobiya gaar ahaan xerada Dolo-Ade ayaa waxaa la sheegay in ay u baahan yihiin Guryo ay ka galaan dhaxanta iyo cadcadeeda oo ay sii dheer tahay xaalado kale oo bini-adanimo oo dadkaasi haysato.

Golahaan ka dhisan dalka Dutchka islamarkaana isku howlaya in ay caawiyaan dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Itoobiya ayaa waxa ay tilmaameen in ay u adkeysan waayeen dhibaatada qaxootiga haaysta ee warbaahinta caalamka ay baahan hinayeen iyagoo taasi ka duulayana ay arintaasi ka jawaabeen,

Qaxootigan iminka ku dhibaateynsan dalka Itoobiya ayaa waxa ay isugu jiraan qaxooto Soomaaliyeed oo horay dalka u joogay iyo kuwo ka barakacay abaartii ku dhifatay dalka Sanadkii 2011 kana barakacay gaajadii iyo biyo biyo la'aanta wadanka ka jirta iyo kuwo kale oo dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay ka tagay islamarkaana ay isugu tageen Itoobiya intaasi oo dhan isbiirsaday ayaa haatan dhibaato kala duwan ay soo foodsaartay,

Xerada Dolow-Ade waaa xerada labaad ee aduunka ugu weyne marka laga soo tago Xeryaha dhadhaab ee dalka kenya ku yaal,kuwaasi ay ka buuxaan dad Soomaaliyeed oo daruufooyin kala duwan ay halkaasi geysay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA