Banaanbaxyo ay dhigayaan dadka kasoo horjeeda awood kororsiga madaxweynaha Masar ayaa walli ku sugan magaaraha taxtiir iyo afaafka hore ee madaxtooyada dalka Masar. Meletariga dalka Masar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qalalaasaja siyaasadeed ee muddada labada todobaad ka taagan dalkaasi Masar.
Meletariga dalka Masar ayaa yiri “Taageera wadahadalada” si loo xaliyo dhibaatada siyaasadeed ee walli ka taagan dalka Masar ,taasi oo kala qeybinaysa qaranka dalkaasi,ka dib warsaxaafadeedkii ugu horeeyay ee kasoo baxay tan iyo markii dadka kasoo horjeeda madaxweyne Mursi ay ku sugnaayeen wadooyinka muddo labo todobaad ah.
Wada hadalka laba dhinac waa mid kaliya ee ugu wanaagsan iyo wadada kaliya ee aan ku gaari karno hishiis si aan u gaarno danaheena qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeeda oo uu aqriyay afhayeenka ciidamada meletariga.
Madaxweynaha dalka Masar ayaa laga yaabaa inuu ka hadlaa arintaan habka uu ku dhamaan karo qalalaasaha siyaasadeed ee sii xumaanaya ee ka taagan dalka Masar.
Qaahiro iyo magaalooyin kale waxaa tan iyo November 22 ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka kasoo horjeeda Mursi
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com