Saturday December 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Doorashooyinka dalka Chana ayaa maalintii labaad galay maanta waxaana dadka maanta ay ku jiraan safaf dhaadheer, si ay u dhiibtaan codadkooda.

Shacabka dalkaasi ayaa dooranaya madaxweynaha iyo baarlamaanka dalkaasi ,iyadoo maalintii shalay hakad uu ku yimid cod bixinta doorashada gobolo qaar.

Doorashada sanadkaan ayaa u dhaxeysa madaxweynaha dalkaasi ee tallada iminka haya ee John Dramani Mahama iyo hogaamiyaha mucaaradka ee Chana Nana Akufo-Addo.

Korjoogtada doorashooyinka dalkaasi Ghana ayaa sheegaya inaysan jirin wax dhibaato oo ka dhashay doorashooyinka ka socda dalkaasi Chana,sida lasoo sheegayo.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga goobaha si rasmiga ay u saameysay doorashooyinka maadaama shalay beelo badan ay ka istaagtay doorashooyinka dalkaasi.

“Waxaan halkaan imid shan saac ka hor ,waan codeeyay,laakiin codkeyga wuu halaabay”.
“dhib ma jiro wax walbaa waa hagaag dhiibashada codadkana dhib kamajiro,waxna lama kulmin,qaabab kala duwan ayaa loo codeeyay”.

28 bishaan ayaa la saadilinayaa inay dhacdo wareega labaad ee doorashada sanadkaani haddii labada musharax midkood uusan ku guuleysan doorashooyinka socda.

Madaxweynaha iminka talada haya Mahama ayaa isaga hadal uu jeediyay maalintii shalay ayaa sheegay in doorashada sanadkaan ay tahay mid taariqi ah haddii si wanagsan ay kusoo dhamaato.

Dhankiisa hogaamiyaha Mucaaradka Mr Akuffa –Addo ayaa sheegay inuu rajaynayo in doorashadaan ay kusoo dhamaato jawi wanaagsan.

Madaxweyne Mahama ayaa xilkaan qabtay ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horeeyay ee John Atta Mills bishii July ee lasoo dhaafay,waxaana uu balan qaaday inuu wax badan ka qaban arimaha dimuqraadiyada,iyo sidoo kale maalgelinta Gaanada Cusub sida uuhadalka u dhigay.

Mr Akuffa –Addo hogaamiyaha mucaaradka ayaa isna balan qaaday inuu lacag la’aan ka dhigo doono waxbarashada dalkaasi Ghana.

Dalka Chana waa doorashadii shanaad oo dadka ay soo dooranayaan cidda xogaaminaysa,tan iyo markii uu dhamaaday xukunkuu Militariga dalkaasi 1992,laakiin dadka odorasa xaalada Chana ayaa sheegaya in dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaa uu kordhay waxii ka dambeeyay sanadkii 2010.

Dalka Chana ayaa caan ku ah Cocada iyo dahabka waana wadanka kaliya ee aduunka sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqaalihiisa usoo kobcay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA