Iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhawaan gacanta ku dhigeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir wuxuu soo dhaweeyay horumarada ciidanka ay ka gaareen Gobalkaasi.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku tilaabsadeen guul horumar leh.
Wuxuu sheegay in guusha ay kasoo hooyeen ciidamada Dowladda Soomaaliay iyo kuwa AMISOM Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ay tahay mid taariiqi ah oo mudan in la taageero.
Labo maalin ka hor ayeey aheyd markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay cagta saareen Degmada Jowhar oo ay muddo afar sano ah maamulayeen.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com