Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe la geeyay ciidamo Nabadsugid ah oo ammaanka Degmada suga.


Sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi xilli uu la hadlaye warbaahinta ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida ayaa Degmadaasi la geeyay taasi oo ay iska kaashadeen Wasaarada arimaha gudaha iyo Gaashaandhiga.

Wuxuu sheegay in qorshaha lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe uu la socday qorshe ammaanka Degmadaasi lagu xaqiijinayo.

Fiqi ayaa sheegay in ciidanka Booliiskana ay tegi doonaan Degmada Jowhar si guud ahaan ciidanka nabadsugida iyo kuwa Booliiska ay isaga kaashadaan adkeynta dhanka ammaanka ee Degmada Jowhar.

Jowhar ayaa iminka waxaa maamula ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inkastoo Shabaab ay ku sugan yihiin deeganada kale ee Gobalkaasi ka tirsan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA