Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxa ay wacad ku mareen inay ilaalin doonaan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya xilli maalintii shalay ku calaamadeysneyd oo ama aduunka u aqoonsaday maalinta xaquuqda aadanaha.
Ergayga gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Mohamat Annadif ayaa waxa uu sheegay in haatan waxii laga bilaabo AMISOM ay u istaageyso sidii ay ku ilaalin lahayd xuquuqda qofka Bini-aadanka gaar ahaan waxa uu farta ku goday xaquuqda shacabka Soomaaliyeed in si gaar ah ay isha ugu hayn doonaan.

Waxa uu sheegay in tixda ay ugu jirto in dadka ku nool deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya aysan ka caban doonin amaandarida islamarkaana soo foodsaari doonin baahi dhan ka tilmaada wixii karaankooda ah ay la tacaali doonaan.

“AMISOM maanta waxa ay caawineysaa dowlada Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si ay u abuuraan deegaan ay ku nool yihiin shacab u bisil hanaanka dowladnimo anagana waxaan naga go'an in sii xoojino caawinta shacabka iyo dowlada Soomaaliya.waxaana jecelnahay inta aan Soomaali aan ku sugan nahay inaan si dhab ah u ilaalino xuquuqda aadanaha ee shacabka Soomaaliyeed.ayuu yiri Mohamat Annadif isagoo ku sugan Nairobi.

Sidoo kale Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa uu shaaca ka qaaday xitaa inay kor u qaadayaan in awooda ay u leeyihiin ciidamada Soomaaliyeed sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda shacabka ay Mas'uulka ay ka yihiin.

Ixtiraamka xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee dhanka Bini-aadanimada waa waxaan aan fileyno inay qeyb ka tahay imaanshaha Soomaaliya,waxaana ka shaqeyneynaa in sidii aan kor u qaadi lahayn awooda ciidamada ammaanka dalka oo ku aadan in si wanaagsan ay ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay qabsadaan.

Dhanka kale waxa uu si weyn uu u canbaareeyay dilalka bareerka ah ee loo geysanayo saxafiiyinta Soomaaliyeed islamarkaana aanujirin cid ka hadleysa.
 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA