Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez ayaa maanta waxa uu marayaa baaritaan caafimaad ka dib marki uu maalintii shalay dib ugu laabtay dalka Jaarka ay yihiin ee Cupa.


Sida uu saxaafa u sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Venezuela Nicolas Maduro Hugo Chavez ,ayaa maanta waxaa la sheegayaa in lagu sameyn doono baaritaano kadibna lagu sameyndoono qaliinkiisii Afaraad ee cudurka Kansarka ah.

Hugo Chavez,ayaa maalintii shalay gaaray dalka Cuba halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Raul Castro.

Chavez oo kasoo muuqday Talevision-ka Qaranka dalkaasi ayaa sheegay in xanuun dartiis uu ugu laabanayo maalin ka dib markii uu gaaray wadanka uu madaxweynaha ka yahay.

“Intii tijaabada lagu jiray,waxaan dareemay xanuun,waxaana jiro unugyo dilaa ah”ayuu yiri Hugo Chavez.

Ilaa iyo iminka lama oga xanuunka madaxweynaha Venezuelan Hugo Chavez,sidoo kale dhaqtarkiisa ku sugan Cuba ayaanan sharaxaad ka bixiyay nooca uu yahay cudurka kansarka ee haya Mr Chavez.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA