Fariin Maqal ah oo uu soo duubay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah oo kamid ah dalka Kenya iyo Ethiopia.
Axmed Cabdi Godane Fariinta maqalka ah ee uu soo duubay ayaa ugu horeyn wuxuu kaga hadlay qidada dagaalka ee ay kula jiraan ciidamada Kenya.
Wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay ku guuleesteen inay fuliyaan qaraxyo gudaha dalka Kenya iyadoo ciidamada Dowladda Kenya ay arkayaan qaraxyadaasi ayna iska difaaci waayeen.
Wuxuu sheegay in hadii aysan iska difaacin Shacabka Soomaaliyeed ciidamada Shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya ay noqon doonaan kuwa marwaliba gacanta ugu jira cadowga sida uu sheegay Axmed Godane.
Waxaa sidoo kale uu fariinta maqalka ah ee uu soo duubay Axmed Cabdi Godane uu ku sheegay in shacabka ku nool dalka Kenya iyo Ethiopia ay ku hoos nool yihiin diin aan aheyn diinta Islaamka.
Isaga oo la dardaarmaya shacabka ku nool dalka Ethiopia gaar ahaan kuwa ku nool Kilinka Shanaad ayaa wuxuu sheegay inay mar un ka bixi doonaan dhibaatada adag ee ay ku jiraan geerida Melez Zenawi kadib baal cusub ay ufurmi doonaan.
Axmed Cabdi Godane ayaa inta badan soo duuba codadka maqalka ah ee uu fariimaha ugu dirayo shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dalalka deriska la’ah dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa iminka waxa ay waayeen Gobolo muhiim ah oo soo galay gacanta ciidamada Dowladd Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com