Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelah Dhexe waxaa halkaasi ka dhacay qarax khasaare geestay.


Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay buundada kala qeybisa Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo uu khasaaro kasoo gaaray hal ruux.

Xilliga ay qarxaysay miinada ayaa waxaa halkaasi maraye hal ruux oo sida la sheegay ahaa arday kaasi oo meesha ku dhaawacmay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay hayeeshe waxa ay meesha ku arkeen kaliya dhaawaca wiil arday ah oo qaraxaasi ku dhaawacmay.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay iminka ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa tan iyo markii ay la wareegeen Dowladda ka dhacay saddex qarax oo qaraxa maanta dhacay uu saddex ku yahay.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA