Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (WFP) ayaa sheegtay inay sii kordhin doonto caawinta dadka dhibaateysan ee ku dhaqan dalka Soomaaliya waxaa ayna sidoo kale carabaabeen in sanadka cusub ee 2013 ay ugu tala galeen lacag gaareysa $53 Million oo lagu doonayo in lagu yareeyo baahida dhanka cuntada ee ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan waxa ay sheegeen in iminka ay ugu daran tahay baahida dhanka cunada ah ee ka jirta deegaanada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Susannah Nichol oo ka mid ah Mas'uuliyiinta ka tirsan hay'ada cunada aduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan cusub ee 2013 maalmaha qura ay ka harsan yihiin inay la soo bixi doonaan hab cusub ay ku caawinayaan dadka dhibaateysan ee baahida dhanka cunada ah heysato kuwaasi oo ku nool degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya,waxaa uuna hoosta ka xariiqay in hada ay gacanta ay ku hayaan $53 million oo doolarka mareynkanka ah kaas oo ay doonayaan inay ku kordhiyaan sanadkaan si markaasi loo yareeyo dhibaatooyinka xaga cunada ee ka jirta dalka soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Susannah Nichol sanadkii 2011ka aynu ku soo gudubnay in ay deegaanada dalka soomaaliya ay ka jireen abaaro sababtay inay dad fara badan oo u badan caruur iyo haween ay soo wajahday dhibaatooyin dhanka cunada oo u horseeday nafaqodaro isagoona intaasi ku daray in 2 Million oo qof ay wali u baahan yihiin kaalmooyin kala duwan.

Sidoo kale hay'ada Qaramada midoobay ee dhanka cunada ayaa sheegtay in sanadkaan ay kaafin doonto bixinta kaalmooyinka Hay'ada ay u fidineyso shacabka soomaaliyeed.iyadoo taasi ku micneysay in inta badan haatan gobolada ugu daran ee ay ka jiraan baahida ay iminka xaaladooda amaan ay wanaagsan tahay,walow marar qaarkood ay ka dhici karaan falal yar yar oo amaanka carqalad ku ah.

Sikastabad ha ahaate hadalkaan ka soo baxay hay'ada WFP ayaa ku soo aadeysa iyadoo fooda ay inagu soo hayso sanadka cusub islamarkaan ay sii kordhayaan baahida bini-aadanimo ee ka jirta dalka soomaaliya.







 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA