Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Afhayeenka ciidamada Nigeria Eli Lazarus oo wareysi siinayay wakaalada wararka AP ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dagaalyahano ajaaniib ah oo ka dagaalama dalka Nigeria kuwaasi oo ka barbar dagaalama Mucaaradka ka soo horjeeda dowlada wadanka ee loo yaqaano Boko Haraam oo ah urur doonaya sida sheegeen in dalka ay ku soo rogaan shareecada islaamka.

Sidoo kale Eli Lazarus afhayeenka Ciidamada Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahanada ajaaniinta ah ee ka barbar dagaalama ay u badan yihiin Soomaaliya kuwaas oo raba inay kala qeyb qaataan waxa uu ugu yeeray Jihaad oo uu sheegay inay tahay fikrada ay aamin san yihiin dagaalyahanada Boko Haram.

"Waxaa jira dagaalyano ajaaniib ah oo ka socda soomaaliya iyo wadamo kale oo qeyb ka ah dagaalka loogu soo horjeedo dowlada Nigeria waxaana maalmahii u danbeeyay nasoo gaarayay warbixino sheegaya in dagaalyahano ka soo talaabayay xuduuda soomaaliya ay soo gaarayeen magaalooyin Nigeria gaar ahaan kuwa ay ku xoogan yihiin Mucaaradka Boko Haram ayuu yiri Eli Lazarus,

Waxa uu sheegay in markii ay ka warheleen in dagaalyahanadaasi ay soo galeen wadanka ay ka hor tageen islamarkaana ay la galeen dagaal isagoona xusay in qaarkood xitaa dagaal ay la galeen ay ku dhinteen “warkaas waxaa uu u sheegay wakaalada wararka AP ayna soo bandhigayaan oo saxaafada ay goob joog ka noqon doonto.

Afhayeenka wareysiga uu siinayay AP oo inta badan quseeysay dagaalka ay kula jiraan kooxda Boko Haram ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday inay jiraan sanadkaan 2012 markii ay tira koob ay sameeyeen ay helaan warbixin ah in sanadkaan uu yahay sanadkii ugu qaraaraa ee rabshadaha ka jira Nigeria ay qasaaro ay ka dhashaan oo isugu jira shacabka iyo labada dagaalameysa.

Ugu danbeyntii Eli Lazarus ayaa xaqiijiyay inkastoo uu jiro xariir ka dhaxeeyo Al-shabaab iyo kiooxda Booko Haram hadana uu sheegay in Madmadow uu soo kala dhexgalayo oo uu ku saleeyay inay lug ku leeyihiin Saraakiisha Malitariga iyo waliba diblu maasiyiin kale,mana cadeyn sababahA rasmiga ee ka danbeeyay qilaafka iminka uu sheegay in kooxahanio xariirka la leh Al-Qaa'ida soo kala dhexgalay islamarkaana uu ku lumay xariirkooda.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA