Tuesday December 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka Caawa Jowhar aynu ka helayno ayaa ku waramaya in dhawaqa qarax xoogan iyo risaas laga maqlay magaaladaas oo ciidamada Huwanta ay la wareegeen.

Goobjoogayaal ku sugan Jowhar ayaa Idaacada Risaala u sheegay in qaraxa dhawaqiisa laga wada maqlay magaalada oo dhan waxaana jirta in iska hor imaad kooban uu ka dhex dhacay gudaha magaalada.

Qaraxa iyo Iska hor Imaadka oo aan la ogayn qasaaraha ka dhashay ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Hanti Wadaag gaar ahaan Bagaashka.

Lama garanayo kooxda ay ka tirsanayeen raga weerarka ku soo qaaday ciidamada huwanta ee aa sifiican u saldhigan,xaaladana waa ay iska yara dagan tahay.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA