Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Heila Marian Dieseling ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho jabhada ONLF ee dagaalka kala soo horjeeda.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Jabhada ONLF ee Ogdania.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay si meesha looga saaro dagaalada udhaxeeya ONLF iyo Ethiopia muhiim inay tahay in wadahadal la galo.
Wuxuu tilmaamay inay wanaagsan tahay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si meesha looga saaro dagaalka islamarkaana lawada sugayo natiijada wada hadalka wixii kasoo baxa.
Jabhada ONLF ayaa u dagaalamaysa Dhul ay Dowladda Ethiopia xoog ku haysato islamarkaana maamulo Soomaali ah oo Ethiopia hoostaga halkaasi ay ka dhiseen.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com