Shaker Masri oo ah muwaadin u dashay wadanka Chicago ayaa la sheegay in lagu riday xukun maxkamadeed oo gaaraya ilaa iyo 10 sano oo xabsi ah.
Sida ay qortay wakaalada wararka AP Shaker Masri ayaa lagu eedeeyay in uu qaraxyo ismiidaamin ah ka fulin rabay dalka Chicago qaasatan xarumaha muhiimka iyo safaarada Mareykanka ee ku yaala dalkaasi.
Waaxda danbi baarista ee ku howlaneed qaadista danbiga lagu haystay Shaker ayaa waxa ay cadeeyeen ama ay qeexeen in muwaadinkaan uu tababar ku soo qaatay Soomaaliya islamarkaana uu ka soo barbar dagaalamay Ururka Al-Shabaab,waxaana u jeedka tababarkiisu uu ahaa sida warbixinta lagu sheegay ismiidaamin,sidoo kalena waxaa loo jeediyay in inta uu ku sugnaa dalkaasi ee u qorsheynayay in uu isqarxiyo waxa uu taageero siinayay Al-Shabaab.
Dhanka kale haweeney u dhalatay dalka Soomaaliya ayaa iyadana sidoo kale qeyb ka aheyd xukunka maxkamadeynta ee ay riday maxkamad federaal ah oo ku taala dalka Mareykanka.
Waxaana haweeneydaan lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah,waxaana ay ku eedeysan tahay inay taageeri jirtay Al-Shabaab oo markaasi lacag ay u aruurin jirta sida maxkamada ay ku eedeysay.
Sidoo kale haweeneydaan Soomaalida ay ku ay eedeysan tahay inay been ka sheegtay FBI-da Mareykanka.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com