Ciyaaryahanka qadka dhexe Newcastle United Cheick Tiote ayaa waxaa uu mar kale ajandaha u galay kooxda Chelea.
Wargayska ka soo baxa England ee Sun ayaa sheegay in tababaraha Kmg ee Chelsea Rafa Benitez uu dalbaday in January loo soo iibiyo ciyaaryahan qadka dhexe ka ciyaara.
Oriol Romeu oo Chelsea ugu maqnaanaya dhaawac soo gaaray ayaa keenaya
Chelsea inay la timaado Ciyaaryahan Cusub oo dhexda ku fiican.
Tiote oo Nin Madow ah Islamarkaan leh xoog iyo Maskax ku filan kubada
cagta kaas oo ka tirsan Newcastle ayay Chelsea si aad ah u doonaysaa.
Roman Abramovich oo ah Milkiilaha Chelsea ayaa bixinaya January lacag
badan waxaana doorashada Ciyaaryahanka kooxda la keenaya iska leh
Tababare Benitez.