Wednesday December 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Arsenal ayaa si rasmi ugu dhawaaqday ciyaaryahanada beeca ka ah xagaagan oo ay ka iibin doonaan kooxo kale.Waxaa Jira qorsho weyn oo Arsenal ay kula soo wareegayso xagaagan ciyaaryahano Cusub kuwana ay fasaxayaan.

Ciyaaryahanada Arsenal ay suuqa gaynaysa waxaa Kamid ah Xidiga Ruushka Andrey Arshavin oo Sanadkan wiji gabax kala kulmaya tababaraha Arsenal waxaana uu ku laabanaya January kooxaha dalkiisa.

Liiskaan waxaa kale oo ku jira weeraryahanka ku caajisay kaydka Arsenal Chamakh, Sebastien Squillaci, Lukas Fabianski and, iyo Emmanuel Frimpong .

Dhinaca kale waxaa ay Arsenal rabtaa in kooxda ay keento dhowr ciyaaryahano oo kala ah Adrian Lopez, Wilfried Zaha,goolhaye Pepe Reina , Thierry Henry iyo Nani.

Arsenal ayaa waxaa ay gacanta ku haysataa €110milion oo suuqa kala iibsiga ay ugu tala gashay.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA