Manchester United oo mar kale doonaysa Xidig ka tirsan ArsenalWar uu ogaaday Sportsmail ayaa ah in Manchester United ay ugaarsi ku hayso Wiilka gaaban ee reer Jamica haystana dhalashada dalka Ingiriiska Theo Walcott.
Kooxda United ayaa ku biirtay loolanka loogu jira ciyaaryahannka
dheereeya ee Arsenal kaas oo ku labalabaynaya inuu ka tago Arsenal
iyadoo walii uusan wax heshiis ah qalinka uusan ku duugin.
Wargayska Warbixintaan aynu ka soo xiganay ayaa waxaa uu ku darayaa
intaas in Walcott oo uu rabo inuu ka tago Arsenal islamarkaana kooxaha
doonaya uu ka doorto kooxda United.
Tabaraha United ayaa u bogay ama ka helay ciyaaryahanada waxtarka leh
ee Arsenal waxaana uu rabaa inuu ku garaaco Liverpool Walcott oo
marka suuqa furmo lacag badan ay dul dhigayso.
Walcott ayaa wali aan wax heshiis ah qalinka ku duugin Arsenal balse macalinka Arsenal ayaa ku tala jira saxiixo Faraskan.