Wednesday December 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Howlaha guud,gaadiidka iyo Dekadaha iyo sidoo kale safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya Maxamed Idiris ayaa waxaa looga hadlay sidii Jaamacada carabta Soomaaliya ay u taageeri laheyd.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarada ee Magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka howlaha guud iyo Dr Maxamed Idiris.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii Jaamacada carabta ay uga taageeri laheyd xarumaha Dowladda ee sanadihii dambe burburka xoogan ka muuqday dib udhiskooda.

Sidoo kale Dr Maxamed Idiris Safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Jaamacada carabta ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso dib udhiska xarumaha Dowladda.

Intaasi kadib ayaa wasiirka howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuu dhagax dhigay Xarunta farsamada Gaadiidka Dowladii dhexe.

Jaamacada carabta ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay la garab taagan tahay taageero ballaaran oo ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto horumarna dalka Soomaaliya ay ka gaarto.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA