Wednesday January 30, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Golaha odayaasha ee dalka Maraykanka (The Senate) ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Senator John Kerry oo xilka kala wareegi doona Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka Mrs.Hillary Clinton.


Codbixinta loo qaaday ansixinta Xoghayaha cusub ee arrimaha dibada ee Mareykanka ayuu Senator Kerry cod aqlabiyad ah uga helay isla golaha uu ka tirsan yahay ee Senate.Xaflad ka dhacday dalka Mareykanka ayaa guddiga arrimaha dibada u qaabilsan golaha ay ansixiyeen magacaabista John Kerry.oo ay ku sheegeen inay tahay mid taariikhi ah oo Mas'uulkaan cusub uu shaqadiisa ku gudan karo.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa bishii lasoo dhaafay u magacaabay John Kerry xilkaasi, kadibna waxaa loo gudbiyey golaha senateka si ay u ansixiyaan.

John Kerry,ayaa la sheegay inuu yahay diblumaasi si weyn qabiir ugu ah siyaasada arimaha dibada,isagoona qibrado badan u leh sida lagu amaanay.

John Kerry oo ah 69 sano ayaa isla golaha Senateka xubin kasoo ahaa muddo 28 sano ah, wuxuuna kasoo jeedaa Gobalka Massachusetts, Senator Kerry ayaa horey usoo ahaa musharaxii Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga doorashadii Mareykanka ee sanadkii 2004, xiligaasi oo uu la tartamayey Madaxweynihii xilka hayey ee George W Bush.

Xoghayaha cusub ee dalka Mareykanka ee Kerry ayaa shaaca ka qaaday inuu wanaajin doono xariirka dowlada Mareynkanka iyo wadamada kale,isagoo sheegay inay tixda ugu jirto siyaasadiisa arimaha dibada in xariir wada shaqeyn ah iyo mid wada hadal ah uu la yeesho wadamada Iran, China iyo dalalka Bariga dhexe.

Hillary Clinton oo 65, ah ayaa la filayaa inay xafiiska isaga tagtp maalinta jimcada ah,warar hordhac ah oo laga helayo dad ku dhow Hillary Clinton ayaa sheegay in laga yaabo in kursiga Madaxtinimada 2016-ka ay u tartanto.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA