Thursday January 31, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada dalka Siiriya ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha dagaalka dalka Isra'il ay duqeymo ba'an ay ka geysteen qeyb ka tirsan dalka Siiriya,gaar ahaa xarun Malitari oo ku taalo magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Dimishiq.


Diyaaradaha dagaalka Isra'il waxay carqaladeynayaan hawada sare ee Siiriya,waxayna duqeymo ay ka geysteen goob xarun ciidan ah,sidaasi waxaa sheegay Sarkaal ciidamada Siiriya ka tirsa kaasi oo ay soo xogatay wakaalada Wararka SANA.

Duqeymaha dowlada ISra'il ay kau qaaday dalka Siiriya,ayaa imaanaya xilli Koxaaha mucaaradka ay ku guuldareysteen bilihii la soo dhaafay inay la wareegaan Goobta duqeynta ay ka dhacday,ayaa lagu sheegay wararka duqeynta.

Diyaaradaha dagaalka Sra'il waxay galeen hawada sare ee dalka Siiriya,iyagoo markii danbe u gudbay Buuraha Hermon,sidaasi ciidamada ayaa sheegay.

Saraakiisha Malitariga dalka Siiriya ayaa arintaan ku tilmaamay mid xadgudub ah oo ka baxsan daris wanaaga,waxayna shaaca ka qaadeen in Malitariga Isra'il ay mas'uul ka yihiin burburka.

Saraakiisha Malitariga dalka Siiriya,ayaa intaasi waxay ku dareen in duqeynta iyaaradeed ay ka geysteen diyaaradaha dalka Sra'il ay sababtay geerida labo shaqaalo oo ka tirsanaa goobta duqeynta lala barbar tilmaameedsaday.

Dadka wax falanqeeya ayaa arintaan ku tilmaamaya inay qeyb ka tahay xadgudubyada Isra'il ay ka wado dalalka islaamka ah.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA