Friday February 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka hor hadlay xarunta Midowga Yurub oo ku taalo dalka Belgiumka gaar ahaan magaalada Brussels, islamarkaana qudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay,ayaa waxuu carabka ku dhiftay dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida ee ay ku hayaan biyaha Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida,isagoona sheegay in gabi ahaanba caalamka ay saameeyn qatarta burcad badeeda Soomaalida,waxuuna sheegay in dhibaatada burcad badeeda kaliya Soomaaliya aysan ku koobneyn oo si guud saameyn ugu leeyihiin wadamada caalamka oo dhan.

Waxuuna ku tilmaamay jiritaanka burcad badeeda Madaxweynaha Soomaaliya mid ka mid ah dhibaatooyinika ugu waa weyn ee dalka ka jiray.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay intii uu xilka madaxweynimada uu hayo guulo uu ka gaaray burcad badeeda Soomaalida,waxuuna sheegay in guulaha burcad badeeda Soomaalida uu ka gaaray ay ka mid ahaayeen in Qaar ka mid ah lahaaystayaal gacanta ugu jiray ay dowlada kala wareegto,kuwaasi uu sheegay in si farxad leh Qoyskooda ula midoobay.isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in qaarkood ay u dhigeen gogol wada hadaleed oo lagala hadlayo inay ka waan toobaan waxyaabah qaldan ee faraha kula jiraan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeexay in kaalin mug leh ay ka qaadatay Midowga Yurub la dagaalanka burcad burbadeeda Soomaalida,islamarkaana xoolo iyo xoogba ay ku bixiyeen.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA