Friday February 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Cabdi faarax shirdoon ‘saacid’ ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xafiiskiisa iyo safaarada ethopia ay ku leedadahay Madaxtooyada soomaamliya .

Dr. Saacid ayaa xusay in qaraxaasi u jeedkii laga lahaa aan laga gaarin arintaasi ayuu ku amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay ka hor tageen.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay ruuxii ismiidaamiyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in markii hore uu kasoo goostay ururka al-shabaab kadibna lagu xareeyey xirada dhaqan celinta dowlada markii uu qaraxa sameynayana uu ka soo baxsaday xeradii dhaqan celinta loogu xareeyey.


29-ka bishaan aynu kasoo gudubnay ee January ayey aheyd markii ruux ismiidaamiye ah uu isku qariyey afaafka hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya iyo safaarada ethopia oo intuba kuwada yaala xarunta madaxtooyada soomaaliya iyadoo qaraxaasi ay sheegteen Masuuliyadiisa in ay ka dambeeyeen ururka al-shabaab.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA