Friday February 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamada dalka Maraykanka ayaa cadeysay in danbi lagu helay wiil 22 sano jir ah kana soo jeeda Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud,waxaana muwaadinkaan Soomaaliyeed Maxkamadeyntiisa ay ka danbeysay ka dib markii lagu eedeeyay inuu damcasanaa weeraro uu ka geysto dalka Mareynkanka.

Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga la dhigay sanadkii 2010 kadib markii la sheegay inuu isku dayey inuu Bambaano ku qarxiyo fagaaraha ku yaal bartamaha magaalada Oregon ee gobalka Portland, bishii November ee sanadkii 2010.

22 sano jir-kaan ayaa maxkamadeyntiisa waxay dalka Mareynkanka ka socotay mudooyinkii ugu danbeeyay,

Qaar ka mid ahaa Ehlada wiilkaan oo tagay Maxkamada qaadeysay Edeynta Maxamed,ayaa shaaca ka qaaday in si sharcidaro ah ay u dhacday Maxakamadeynta wiilkooda,islamarkaana Ciidamada FBI ay ka dhaadhiciyeen Eedeysanaha in uu danbiga uu qirto.

Aabaha dhalay eedaysanaha ayaa sheegay in sanadkii 2009 uu isagu la xariiray Sirdoonka Maraykanka ee FBI xiligaasi oo uu ka cabsi qabay wiilkiisa inuu aado dalka Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in FBI ay arrintan u adeegsadeen inay wiilkiisa madaxa-ka xadaan (Brainwash) kadibna falkan ku dhiiri geliyaan.

Iyadoo ay jirta dhaliisha ay jeedinayaan waalidka dhalay Maxamed Maxamuud ayaa hadana Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa soo bandhigay cadeynmo loo haaysto Maxamed Maxamuud xiriirkii uu la lahaa Kooxo ay ku tilmaameen Argagaxiso,

Dalka Mareynkanka ayaa inta badan waxaa lagu Maxkamadeeya dadka lala xariirinayo falalka argagixisda uu Mareynkanka si weyn ula dagaalamo.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA