Friday February 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha jamhuuriyada Soomaaliya mudane xasan sheikh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Brasilis ee dalka Bilgium ayaa waxaa ay gaareen magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Wafdiga madaxwynaha ayaa goroonka diyaaradaha magaalada London waxaa ku soo dhaweeyay safiirka soomaaliya u fadhiya magaalada London C\Rishiid sayd.

Safarka madaxwynaha ee London ayaa waxaa idaacda risaala ee magaalada muqdisho ugu Warbixiyay safiirka soomaaliya u fadhiya magaalada London ee xarunta Britain c\rishiid sayd.

Safiirku waxaa uu sheegay in madaxwynaha uu kulamo laqaadan doono jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka ingriiska iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David camaron waxaana ayna kawada hadli doonaan arimaha soomaaliya sida uu sheegay safiirka.

Wafdiga madaxwynaha ee gaaray London ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya hawanayda lagu magacaabo fowsiya yuusuf xaaji Aadan iyo sidoo kale wasiir dowlaha madaxtooyada faarax C\qaadir iyo xubno kale.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA