Qilaafaadka iyo xiisadaha taagan,ayaa sababay in wadamada Soomaaliya iyo Siiriya ay noqdaan wadamada ugu Qatarta badan dilalka iyo hanjabaadaha loo geysto saxafiyiinta caalamka,marka loo eego warbixin ay soo saareen Urur saxafiyiinta caalamka ee World Association of Newspapers and News Publishers,(WAN-IFRA).
Warbixxinta ayaa sheegeysa in 68-saxafi iyo shaqaalo kale oo
warbaahinta kale ka howlgalayay la dilay,iyagoo ku guda jiray gudashada
howlahooda shaqo sanadkii tagay ee 2012.waxaana la sheegay in kala bar
saxafiyiintaasi lagu dilay Wadamada Soomaaliya iyo Siiriya,sida ay sheegeen
WAN-IFRA.
60-dan shaqaalo warbaahineed ayaa lagu dilay dalka Siiriya, iyadoo ay ugu
wacan tahay dagaalada iyo rabshadaha ka taagan owgood halka in ka badan
14-wariye iyagana lagu dalka Soomaaliya oo intooda badan lagu qaarijiyay
magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Kooxdan Ururka saxafiyiinta caalamka ka tirsan ayaa sidoo kale
warbixintaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in sanadkii tagay uu ahaa sanad la
tagay tiro saxafiyiin oo intooda badan la toogtay iyagoo gudanaya
waajibaadkooda shaqo,iyagoo dhanka kalena ku tilmaamay Soomaaliya iyo Siirya ay
yihiin wadamada ugu Qatarta badan ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta caalamka.
Waxayna ugu danbeyntii ku baaqeen in wax laga qabto xadgudubyada loo
geysanayo saxafiyiinya,gaar ahaan waxay si gaar ah farta ugu godeen wadamada
Soomaaliya iyo Siiriya in maamulada ka jira ay ilgaar ah ku eegaan wariyaasha
oo iyaga howl muhiim ah bulshada u haya.