Friday February 01, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxkamada dalka Hindia ayaa shaaca ka qaaday in xukun maxkamadeed uu wajahayo jilaaga caanka ah ee Bollywood Salman Khan,kaasi oo lagu eedeeynayo inuu ka danbeeyay dilal loo geystay dad shacab ah 10-sano ka hor.


Bishii September 2002,ayaa la sheegay in Salman Khan gaari uu kaxeynayay ku laayay dad shacab ah oo ka agdhawaa goob ruutiga lagu sameynayay kuna taalo magaalada Monbai ee dalka Hindia.

Jilaaga ayaa haatan Maxkamada waxay wadaa qaadista dacwadiisa,isagoona sidoo kale lagu eedeeyay in Qaabka shacabka uu ku laayay ay ahayd si ka baxsan waditaanka sharciga gawaarida,waxaana la sheegay inuu wajahayo 10-sano oo xabsi ah.

Salmaan Qaan ayaa gaashaan u daruuray inuu ka xeynayay gaariga xiligii dadka shacabka la laaynayay.

Salmaan Khaan ayaa waxuu ka mid yahay jilaayasha hindiga kuwooda ugu caansan,waxuuna keenay filimo dhowr ah oo kala duwan.

"Waxaan haynaa cadeemo inugu filan oo sheegaya in qaan uu ku kacayay danbigaan,xukunka wuu dhacayaa",ayuu yiri Qaadiga Maxkamad danbiga ee dalkaasi Hindiya Vasant Patil.

Salmaan Khaan ayaa la filayaa in Maxkamad uu ka soo muuqdo 11.bishan Fibruary sida uu sheeqay qareenkiisaDipesh Mehta.

Sanadkii 2006-dii ayaa lagu xukumay Salman Qaan shan sano oo xarig ah,balse damiin ayaa lagu sii daayay.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA