Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Qaar kamid ah shacabka kunool Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay kala kulmaan ciidanka Dowladda.


Waxa ay sheegeen in shacabka Gobalka Shabeelaha dhexe gaar ahaan Jowhar habeenkii xilliga ay doonaan ay seexan jireen balse iminka ay seexdaan xilli hore iyaga oo dhanka ammaanka ka baqanaya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidanka ay ku sameeyaan dhac joogto ah islamarkaana aysan jirin ciidanka dhibaatadaasi geysanaya talis looga ashtakoodo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Jowhar kadib markii Magaaladaasi ay Shabaab kala wareegeen dhowr bilood ka hor,waxaana iminka soo yeeraysa cabasho kasoo baxaysa shacabka Jowhar oo ku aadan in dhac loo geesto.

Dhawaan ayeey aheyd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dhac lagu eedeeyay ku fulisay xukuno kala duwan.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA