Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay iskahorimaad dhexmaray ciidamada Boliiska iyo dad kumanaan gaaraya oo banaanbax ka dhigayay dalka Masar.

Dadkaan banaanbaxa dhigaya ayaa waxay dalbanayeen inuu iscasilo Madaxweynaha dalkaasi Mahamed Mursi.

Dadkani banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay caasimada dalkaasi ee Qaahira ee dalka Masar,halkaasi oo ay ku banaanbaxayaan kumanaan dad ah oo si weyn kaga careysan maamulka Mr Mursi,waxay ku dhawaaqayaan Erayo ka dhan ah Mursi oo ku aadan in xilka uu isaga dego.

Ciidamada Boliiska ayaa dadkaan ugu jawaabaya inay u isticmaalaan Biyaha tubada laga furo iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya,kuwaasi oo ay Boliiska isticmaalayaan si ay kaga hortagaan rabshadaha banaabaxyada ay wataan.

Ugu yaraan 92-qof ayaa ku dhintay rabshadaha banaanbaxyada ka dhashay,iyadoo loo eegayo wasiirka arimaha gudaha dalkaasi oo la hadlay Tv- si gaar ah loo leeyahay

Wasiirka ayaa raali galin ka bixiyay shilka ay ku dhimanayaan dadka rayidka ah,isagoona sheegay inay ka danbeeyaan ciidamada Boliiska dalkaasi.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA