Laacibka yar ee Liverpool Raheem Sterling ayaa lagu dhaganyahay waxaana uu kasoo muuqday Maxkamad dhalinyaro oo Ku taal magaalada Liverpool.
Raheem Sterling waxaa lagu heystaa inuu galay Fal galma ah oo lagu
tilmaamay inuu ahaa Mid xoog ah taas oo uuna kula kacay Haweeney 27 Sano
jir oo isagaba ka weyn.
Wiilka Xiid xiidka ah ee Liverpool ayaa hada ku jira da’da 18 aad
waxaana uu haweeneydaana uu ku kufsaday da’da 17 Sano isaga iyo rag kale
oo asxaabtiisa ahaa.
Raheem Sterling ayaa beeniyay inuu kufsaday haweenaydan laakiin iyada ayaa farta ku fiiqday oo tiri Waa kan Ninkii.
Qaaliga Maxkamada Mick Hogan ayaa sheegay in Xidiga Liverpool uu
beeniyay eedeyntan sidaa daraadeed waxaa dacwadiisa dib loogu dhigay 22
bishan waxaana dacwadiisa laga furi doonaa Maxkamada Sare ee Liverpool
Magistrates.
Sterling ayay tani Fadeexad ku tahay kaas oo u saftay Xulka England
bishii November markiisii ugu horeysay,waxaana uu dhalasho ahaan uu ka
soo jeedaa dalka Jamico.