Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay golaha guurtida ee maamulkaasi kaasi oo ahaa in gabi ahaanba aysan ka howlgali karin hay’adda WFP deeganada maamulkaasi.


Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximin iyo Xeeb oo maanta wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ee ximan iyo xeeb aysan shaqo ku laheyn arimahaasi iyo ka hadalkeeda.

Cumar Maxamed Guureeye Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in sababta ka dambeysay in odayaasha ay ku dhawaaqaan in Hay’ada WFP aysan ka howlgali karin deeganada maamulkaasi ay tahay in WFP deeqo kala duwan oo intii Gobalkaasi loogu talo galay in kayar ay halkaasi geysay.

Wuxuu tilmaamay in WFP ay iminka ka howlgalayso deeganada maamulka Ximan iyo Xeeb sidoo kalena aysan jirin wax shaqo joojin ah oo ay ka sameysay deeganadaasi.

Dhawaan ayeey aheyd markii Golaha guurtada odayaasha maamulka Ximan iyo Xeeb ay sheegeen inaysan deeganada maamulkaasi ka howlgali karin hay’adda WFP.

 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA