Saturday February 02, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tababar usoo xiray Dhalinyaro loo tababaray iney ka hortagaan Xiliyada ay dabka ka kacan goobaha Ganacsiga iyo meela kalaba.
Dhalinyarada Tababarka loo xiray maanta ayaa waxaa ay tiradooda gaarayaan Ilaa 15 dhalinyaro.

Xaflada Tababarka loogu soo xiray dhalinyarada ka hortagista dabka waxaa ka qeyb ka galay Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha ugu sareeya ee Ciidamada Amisom ee Soomaaliya Andre Gutti.

Barnaamijka Tababarka ayaa waxaa iska kaashaday maamulka Gobolka Banaadir iyo Amisom.

Gudoomiye Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradan ay ka shaqeyn doonaan howlaha dab damiska isagoo mahad gaarna u jeediyay Taliska Amison oo dhiira geliyay tababarka dhalinyarada gurmadka dabka.

Dhinaca kale Andre Gutti ayaa isagana carabaabay Amisom ahaan iney ku faraxsan yihiin in tababarkan ay usoo xiraan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn dhalinyarada 15-ka ayaa soo bandhigay dhoolatus ku aadan sida ay ugu hortagayaan dabka.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA