Aqoonyahan C/raxmaan Daqarre oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islamarkaana wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qilaafka soo kala dhexgalay saxiixayaasha qariirada nabadda Soomaaliya.
Aqoonyahan Daqare ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in iyadoo ay maalmo kooban u harsan yihiin Dowladda uu yimaado khilaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah lixda sixiixayaasha ee Road-Mapka.
Aqoonyahan Daqare ayaa dhanka kale waxa ugu baaqay saxiixeyaasha Road-Mapka ee is khilaafay inay fiiriyaan wakhtiga ciriiriga ah, ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha qabya isla markaana ay ka waantoobaan khilaaf iyo wax lamid ah.
Sikastaba xaaladdu ka noqotee maalintii shalay ayey ahayd markii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu si caro ah uga soo baxay shirka saxiixeyaasha Road-Mapka ee magaalada Nairobi kadib markii ay si maan dhaafeen qaar kamid ah saxiixeyaasha kale.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com