Xaflada ayaa waxay ka socotaa Garoonka Kubbada Cagta ee Degmada Cabdicasiis Gobolka Banaadir.
Waxaa xaflad goob joog ka ah masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, wasiiro xukuumada ka tirsan iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale Waxaa goobta gaaray madaxweynaha Dalka Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumada.
Ujeedada Xaflad ayaa ah mid loogu dabaal dagayo sanad kadib markii ay ka baxeen degmooyinka waqooyiga magaalada Muqdisho Ururka Al-Shabaab.
Waxaa goobta ka socda heeso guubaabo ah oo ay qaadayaan fanaaniin kala duwan.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay,waxaana sugaya ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM.
Walli ma aysan bilaabin qudbadaha xaflada loogu talo galay,laakiin waxaa la filayaa in goordhow ay bilowdaan.
Waxii kusoo kordhaa mar walbaa kala soco www.risaala.net Insha Allah