Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo aan la garaneyn cidda ay ka tirsan yihiin iyagoona ka baxsaday goobta markii ay falka dilka ah geysteen.
Sida wararka aynu ku helayno Allaha u naxariistee Xildhibaan Sheybe Sheekh Maxamuud ayaa la dilay xilli uu ka soo baxayay masaajid Salaada subax ee saaka.
Falka dilka ah kadib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamada ammaanka Magaalada Boosaao iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.
Xaalada Garoowe ayaa kacsan ciidamada Maamulka Puntland waxa ay halkaasi kawadaan baaritaano iyagoo isticmaalaya gawaarida shabaqa iyagoona ku daabulaya dadka ay ku tuhmaan dilka Xildhibaanka ka tirsanaa Puntland oo maanta Garoowe lagu dilay .
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com