Monday August 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo goordhow qudbad ka jeediyay xaflad lagu taageerayo markii Al-Shabaab sanad kadib ay ka baxeen fariisimo dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir taasi oo ka dhacayso Studium Koonis ee Degmada Cabdicasiis,ayaa ka hadlay marxalada ay soo martay magaalada Muqdisho.


Tarsan wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalin taariiqi oo aysan ilaabi doonin isaga oo sheegay in sanad kasta ay xusi doonaan 6-da Agoosto oo ku asteysan markii Al-Shabaab ay isaga baxeen Waqooyiga Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Al-Shabaab dhibaatooyin badan inay ka geysteen magaalada Muqdisho ,isagoo xusay in ciidamada dowlada ay ku guuleysteen inay sugaan ammaanka Muqdisho.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tilmaamay in shacabka Muqdisho ay qaateen ka shaqeynta ammaanka iyo soo celinta bilicda degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Goobta ay ka dhacayso xaflada ee Studium koonis waxaa ku sugan Madaxweynaha dalka Soomaaliya,qaar ka mid ah golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya,waxaana ammaanka adkeynaya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM,iyadoo xaflada ay tahay mid wali ka socota garoonka.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA