Kadib kulan xalay magaalada Muqdishio ay ku yeesheen Odayaasha waxgaradka iyo siyaasiyinta kasoo jeeda mid kamid ah beelaha daga gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay soo bandhigteen xildhibaanka kaga mid noqonaya baarlamanka cusub ee lasoo xulayo . Intii kulanka uu socday masuuliyiintii ka hadashay ayaa wax ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in xildhibaanka ay u doorteen in uu matalo beeshooda kaasi oo lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Cosoble Cali .
Cali Cadoow Cali oo kamid ahaa Odayaashi Dhaqanka ee xalay ku kulmay Muqdisho ayaa ayaa ka dhawaajiyay in beesha warsan gali ay u dooratay Shiikh C/qaadir Cosoble Cali in uu noqdo xildhibaanka baarlamaanka cusub kaga mid noqonaaya beeshaasi
Dhanka kale warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Sh.shariif Sh. Axmed uu faragalin ku haayo howlaha sooxulista xildhibaanada kamidka noqonaaya baarlamaanka cusub
C/qadir Sh Cali Cosoble ee loo caleema saaray in uu yahay xildhibaanka matalaya mid kamid ah beelaha ka soo jeeda gobolka shabeeklaha dhexe ayaa tinid kadib markii ilaa 13 oday dhaqameed oo loo xilsaaray arintaasi ay go aamiyeen kadib kulamo isdaba jog ah maalmihii lasoo dhaafay kaga soconaayay magaalada muqdisho
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com