Monday August 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kulankii maanta oo gabagabo u ahaa kulan shalay gudiga wada jirka amaanka Soomaaliya kaga furmay Magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galeen Qaramada midoobe Midowga Afrijka Urur Goboleedka Igad iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu kadhacay howlka shirarka Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu soo qabaqaabiyay xafiiska siyaasada Qm ee Soomaaliya ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ku Saxiixday heshiis looga hortagayo tacadioyada loo geyso Caruurta yar yar .

Heshiiska ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya si wada jira ah ugu saxiixay Wasiirka Gaashaan dhiga Ahna Re, isil Wasaare ku xigeen Xuseeen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini .

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaan dhiga Xukuumada Soomaaliya oo goobta kahadlay ayaa waxa uu sheegay in ay farxad u tahay Dowladda Soomaaliya in ay saxiixdo heshiis lagu yareynayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Caruurta .

Wasiirka Gaashaan dhiga ayaa ku tilmaamay heshiiskaan in uu hagaajinayo mustaqbalka Soomaaliya hadii si dhab ah loo hirgaliyo heshiiskan oo aan lagu xadgubin caruurta yar yar.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeysay waxa ay saxiixeysay heshiisyo dhowr ah oo laxiriira dhinacyada ilaalinta xuquuqul insaanka ka hortagidda Caruurta la, Asgreynayo iyo kii maanta oo ugu dambeeyay , kaasi oo ku qotoma ka hortagidda dhibaateynta Caruurta Soomaaliyeed

Daawo Sawirada



























Photp By:Zakariye Axmed Muuse
Edit By: Xuseen Nuur Maxamed (Garaad)
 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA