Monday August 06, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gelinkii dambe soo gaaray Wafdi ay hogaaminayaan R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya C/walli Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Labada masuul ayaa kasoo duulay garoonka magaalada Nairobi halkasi oo ay kaga soo qeyb galeen shirkii Lixda Saxiixayaasha habraaca marxalada kala guurka.

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qaabka uu kusoo dhamaaday shirkii saxiixayaasha Raodmap-ka waxaana wararka ay sheegayaan in sideeda mudane ee ka imaanaysa baarlamaanka Kkaatuma State seddex ka mid ah lagala tashanayo Puntland.

R/wasaaraha Soomaliya ayaa markii kasoo dagay garoonka diyaaraha ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkii Nairobi uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan ayna isla garteen qodobo dhowr ah.

Waxyaabaha lagu hishiiyay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in doorashasa Barlamaanka lasoo hor mariya halka markii hore Shariif Xasan uu doonayay in doorashada madaxweynaha laga soo hormariyo tan madaxweynaha.

Sidoo kale waxay ku hishiiyeen saxiixayasha Roadmap-ka in qilaaf kasoo dhex baxay Galmudug ay xaliyaan madaxweynaha,gudoomiyaha Baarlamaanka iyo R.wasaaraha Soomaaliya.
 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA