Tuesday August 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka cusub ayaa shaaca ka qaaday in 70% loosoo gudbiyay liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqanaya.

La guddoomiyaha guddiga farsamda ee soo xulitaanka xubnaha cusub ee baarlamaanka C/laahi Cismaan Xiireey oo la hadlay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in howlaha si wanaagsna ay ku socdaan islamarkaan dhawaan ay soo gabagabeen doonaan.

Wuxuu sheegay kaliya inay qabteen liisaska islamarkaana ay gabagabo u marayso laakiinse aysan ka eegin inay ku qoran yihiin shuruudihii loogu talo galay, isaga oo sheegay inay eegayaan inay ku qoran yihiin shuruudaha iyo inkale.

La guddoomiyaha guddiga farsamada ee soo xulitaanka xubnaha cusub ee baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in liiska baarlamaanka cusub ee loo soo gudbiyay ay ka dhax baadhi doonaan dad dambiilayaal ah islamarkaana ay ka saari doonaan,isaga oo tusaale usoo qaatay baarlamaankii Imbagaati oo uu sheegay inay ku jireen dad dambiilayaal ah.

Inkastoo guddiga farsamada ay shaaciyeen in howlaha soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka cusub ay gabo gabo marayaan ayaa hadana waxaa jira dhaliilo badan oo loo jeedinayo qaabka loo soo xulay xubnaha baarlamaanka cusub.



 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA