Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in howlaha gabogabo ay marayaan islamarkaana odayaasha dhaqanka 135 ay qabteen shaqo wanaagsan islamarkaana ay soo gabagabeyn rabaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka cusub.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay marka lasoo gaba gabeeyo soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kadib loo gudbayo doorasho ka dhacdo dalka gudihiisa.
Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in Soomaaliya ay ugudbtay hanaan Dimuqraadi ah oo federaal ah islamarkaana keentay in dadka Soomaalida madaxdooda ay si wanaagsan ku doortaan.
Madaxweyne Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in mudada afarta sano ee soo socota ay tahay mid muhiim ah islamarkaana laga wada shaqeynayo dhinac kastaba.
Odayaasha dhaqanka ee hada ku howlan soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka cusub marka ay soo dhameeyaan ayaa waxaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo doorasho iyadoo madaxda dowladdana ay ku cel celiyeen in wax waliba lagu soo dhameynayo sidii loogu talo galay.
Aqriso oo la soco Risaala.net mar walba meel kasta oo aad joogto, si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey dal iyo dibad. Nagala soo xiriir: webmaster@risaala.net ama radiorisaala@hotmail.com