Tuesday August 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay wuxuu kulan casho sharaf ah u sameeyay saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

kulanka ayaa wuxuu ku salaysnaa sanad kadib waxa iska badalay ammaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loosii xoojin karo.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/Samad Macalin Maxamuud oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ammaanka horumar laga gaaray laakiin wuxuu sheegay inay jiraan dad uu sheegay inaysan heysan gargaar loona baahan yahay in la gaaro

Taliyaha ciidamada Boooliiska Soomaaliya Shariif Shiiquna Maya ayaa dhankiisa wuxuu xusay in ciidamada Police-ka ay xaqiijiyeen ammaanka isaga oo ku baaqay in horay loo sii socda sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadalka soo gaba gabeeyay ayaa cadeeyay in sanad ka hor xaalada Muqdisho ay aheyd mid cakiran ,wuxuuna rajo ka muujiyay sida xaalka uu isku badali karo afarta sano ee soo socoto.

Ugu dambeyntii masuuliyiinta ammaanka ee dowlada iyo kuwo AMISOM ayaa isku raacay in laga wada shaqeeyo ammaanka Dalka Soomaaliya.


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA