Tuesday August 07, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ra’iisal wasaarihii wadanka Syria ayaa ka baxsaday magaalada Dimishiq ee xarunta wadanka Syria Fayad Xijaab oo 2 bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi ayaa noqonaya qofkii ugu sareeyay ee ka baxa dowlada Bishaar Al-Asad.

Xijaab ayaa la xaqiijiyey inuu gaaray wadanka Urdun isaga iyo qoyskiisa waxaana la sheegay in baxsashadiisa ay u sahleen kooxaha mucaaradka wadanka Syria.

Masuulkani ayaa sheegay inuu ka mid noqon doono golaha xorta ah ee la dagaalamaya dowlada Syria waxaana la filayaa inuu u gudbo wadanka qadar si uu wada hadalo ula yeesho masuuliyiinta wadanka Qadar oo si weyn u taageera.

Afhayeenka dowlada Syria ayaa ku tilmaamay baxsashada Ra’iisal Wasaarihii wadanka mid aan macna weyn lahayn wuxuuna sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dadaalkii ay ku doonayeen iney cagta ku mariyaan kooxaha mucaaradka wadankaasi.

Arintani ayaa dhabar jab ku ah maamulka magaalada Dimishiq


 

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
KEYDKA SAWIRADA